WARARKA SOOMAALI

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay, isuna sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka-Akhriso

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa iska casilay xilkiisa, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

C/casiis Lafta Gareen ayaa noqday Wasiirkii u hore ee isu casila Tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo horay Guddiga Doorashada u soo saaray shuruud ah in qof xil Wasiir haya aanu u tartami karin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Musharax Guddoomiye Lafta Gareen ayaa sheegay in Guddoonka Goluhu shaqadiisu ay tahay in uu guddoomiyo  wax-kasta oo guluhu isku raaco, kuna shaqeeyo kalsoonidooda, rabitaankooda, Dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Mr Lafta Gareen ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu xilka iska casilo, maadaama uu yahay Musharax xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Waxaan ahay mideeye aan kala qaybin-doonin xildhibaannada Golaha Shacabka iyo ilaalinta Midnimada Golaha guud ahaan, waxaan ahay garaad shir-guddoomiye kaliya ah, balse aan xilka ku gor-gortamaynin, waxaan ahay shaqsi ku fiican latashiga, sidaas aw-geed-na Xildhibaannadu haddii ay codkooda isiiyaan ma noqonayo nin u taliya, ee waan la tashan-doonaa mar-waliba, waxaan ahay nin difaaci doona go’aannada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay gaaraan mar-waliba, waana soodhawaynaya go’aannadooda, anigoo aanan ku dhibaynin mas’uuliyadda marka ay ii dhiibtaan oo ay iga aqbalaan codsiga aan la hortagi doono Haddii Alle idmo”ayuu yiri

Arrintan ayaa culeys ku soo noqoneysa xubnaha xilalka Wasiirada haya ee isu soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiirka Biyaha Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiir kuxigeenta Boostada Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yarow ayaa xubnaha Wasiirada ee isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka dalbaday xubnaha Wasiirada ee xilalka haya inay keenaan caddeyn ku aadan warqada is casilaada, marka ay is diiwaan gelinayaan.

SOMALI NEWS

To Top