WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Dagaal culus oo hada ka soconaya Madaxtooyada Galmudug iyo Hubka culus-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Wararka hadda  naga soo gaadhay Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inuu dagaal culus ka socdo madaxtooyada.

Ciidamo ka amar qaato madaxweyne ku xigeenka Galmudg iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa weeraray madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan wasiiro iyo xildhibaano taageersan Madaxweyne Xaaf.

Sida wararka sheegayaan ciidamadii soo weeraray madaxtooyada ayaa dib loo celiyey markii uu qarxay dagaal culus.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka darandooriga u dhaco ayaa qalqal ku keenay Magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa hadda dib uga durkay madaxtooyada waxaana muuqato in laga guuleystay Ciidamadii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciod Siyaad ayaa lasoo sheegayaa inuu ku jiro madaxtooyada dhexdeeda, mar aan la xiriirnayna wuxuu sheegay inay ciidamada madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay weerarka soo qaadeen.

Dagaalka ayaa weli socdo mana istaagin waxaana ciidamadii weerarka soo qaaday loo diiday inay galaan madaxtooyada.

Khilaafka madaxda Galmudug ayaa gaaray meesha ugu sareyso, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka soo xoogeysto maadaama ay jiraan gurmad labada dhinac soo gaarayo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhawr asbuuc loo diidanaa inay ku shaqeeyan madaxtooyada iyagoo saldhig ka dhigtay guriga ku yaalo Cadaado

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socdsiin doonaa Inshaa Allah.

SOMALI NEWS

To Top