WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda Soomaliland iyo Puntland oo Madaafiic culus isku dhaafsaday aaga Tukaraq, Xiisad Dagaal oo ka taagan Jiida-Video

Tukaraq ( Horufadhi News) Xaalad deganaansho ah ayaa Maanta laga dareemayaa deegaanka tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo xalay fiidkii ay madaafiic isku weeydaar sadeen ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Dadka tirada yar ee ku haray tukaraq ayaa Warbaahinta u sheegay in xalay labada dhinac ay isku weeydaar sadeen furumaha dagaalka,iyada Shacabka markii hore ay qabeen cabsi dagaal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Weli lama sheegin khasaaraha labada dhinac ee ka dhashay madaafiicdii xalay,waxaana saakay tukaraq laga dareemayaa saan saantii ay reebeen.

Labada Maamul ayaa deegaanka tukaraq iyo deegaanada kale ee Gobolka Sool waxa ay ku soo gurayaan ciidamo farabadan,waxaana sidoo kale ay Warbaahinta isku marsiinayaan hadalo keeni kara in dagaalka uu dib u qarxo.

SOMALI NEWS

To Top