WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Trump oo sheegay in Hogaamiye Kim Jung-un ogalaaday qodob Xasaasi ah-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Kim Jong-un go’aansaday in Kuuriyada Woqooyi nukliyeerka tirtirto oo loogu bedelo damaanad nabadgelyo.

Kulankii uu kula yeeshay Kim dalka Singapore ka dib ayaa Trump sheegay in hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi aqbalay in uu burburiyo xarun wayn oo gantaalaha lagu tijaabiyo taas bedelkeedana uu Maraykanku soo af-jaro colaadii uu ku hayey Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd mid lagu tilmaamay in ay ahayd daandaansi khasaare dhalin kar.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Laakiin Trump waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanku sii joogi doonaan Kuuriyada Koonfureed intii muddo ah. Waxaanu sheegay in sidoo kale cunoqabataynihii saarraa Pyongyang sidoodii ahaan doonaan, laakiin la qaadi doono marka Kim fuliyo ballanka uu qaaday.

Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisa uu joojin doono dhoolatusyada milatari ee ay sida wadajirka ah u sameeyaan K/Koonfureed.

Wuxuu sheegay inay yihiin kuwa qaali ah. Wuxuu sheegay in K/Waqooyi ay u arkaan dhoolatusyadaasi kuwa daandaansi ah

Dhinaca kale, Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un ayaa dalkiisa dib ugu laabtay markii uu la kulmay Donald Trump.

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma hogaamiye dalka Kuuriyada Waqooyi.

SOMALI NEWS

To Top