WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Taliyaha Ciidanka Militeriga Maamulka Somaliland oo fariin culus usoo diray Puntland iyo wararkii ugu danbeeyay-Video

Taliyaha Ciidamada Maamulka Somaliland Gen Nuux Taani oo maanta warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka Amaanka ah ee ugu danbeeyay deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland.

Taliyaha Ciidamadda Militeriga Maamulka Somaliland ayaa fariin u diray maamulka Puntland oo xiisad kala dhaxaysay maalmahanba waxaana uu ugu baaqay in ay Puntland ilaaliso nabadgalyada iyo Jaarnimada waa sida uu hadalka u dhigaye“Anaku waxaan jecelnahay nabadgalyo iyo jaarnimo in aan ku wada noolaano,waayo dantayada ayaa ku jirta oo cadow badan ayaan wada leenahay guud ahaan ,khilaafka naga dhex dhacana Dad kale ayaa doonaya in ay ka faa,iideystaan,,.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Taliyiha Ciidamada Maamulka Somaliland oo ay wehelinayeen laamaha ugu sareeya ee Booliska Somaliland ayaa kusoo aadaya xili xiisad culus oo dhanka Afka ah la dhex taagan tahay Labada Maamul Punland iyo Somaliland.iyadoo Somalilad beri looga dareerayo Doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaas.

Dhanka kale wararka aan ka helayno qaybo kamid ah Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in laga dareemao xiisad culus iyo abaabul ay wadaan Ciidamada Maamulka Puntland ee ku sugan qaybo kamid ah Sanaagta Fog,sidoo kalena waxaa maanta gaadhay Deegaanadaas Wasiirka Amniga Puntland iyo xubno kale oo kamid ah Wasiirada Maamulka Punland.

SOMALI NEWS

To Top