WARARKA SOOMAALI

Daawo:Puntland oo Duulaan kusoo qaaday Gobalka Sanaag,Doorashadii Somaliland iyo Dagaal laga cabsi qabo Beri,Warbixin Xasaasi ah-Video

Wararka Shabakadda Horufadhi Media ay ka helayso deegaanada fog ee Gobalka Sanaag waxaa ay kusoo waramayaan in halkaa ay ka socoto xiisad dagaal iyo hub urursi u dhexeeya Maamulada Punland iyo Somaliland kuwaas oo maalmahanba xiisad ka dhex taagneyd siyaasiyiintooduna Hanjabaadyo is dhaafsanayeen.

Wararka aan ka helayno degmada Badhan ee Gobalka sanaag iyo deegano kale oo kaabiga u saaran Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in ay maanta halkaas gaadheen xubno saraakiil ah iyo ciidamo badan oo aad u hubaysan oo goor sii horeysay kasoo gudbay dhanka Gobalka Beri halka qaarna ay kasoo gudbeen dhanka Magaalada Garoowe.

Dhanka kale maanta waxaa Magaalada Badhan Gaadhay Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland iyo ciidamo uu hoggaaminayo isaga oo la filayo in uu caawa ku hoydo jiidaha hore ee ciidamada Maamulkaas ku leeyihiin Gobalka Sanaag.

Ujeedka iyo saan saanta Coladeed ee Maamulka Puntland ka wadaan qaybo badan oo kamid ah Gobalka Sanaag ayaa kusoo beegmaya iyada oo guud ahaan maalinta beri ah deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland looga dareeri doono Doorasho madaxweyne.

Xiisadda u dhexaysa Maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku saabsan arrimaha xuduudaha iyo doorashada ayaa bilaaba tay kadib markii Wasiirada Maamulka Puntland iyo Xildhibaanadu saxiixeen in aysan Doorasho Somaliland aysan ka dhicin Sool iyo Sanaag,balse lama oga waxa dhici doona beri.

Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharaxa Xisbiga Kulmiye oo shalay Magaalada Hargeysa kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in haddi Puntland damacdo in ay Khalkhal galiso Doorashada ay kala kulmi doonto Cawaaqib xumo ay kasoo kabsan waydo wuxuuna intaas ku daray in Puntland Sool iyo Sanaag ayey hiigsanaysaaye,Balse Garoowe lagu murmo doono talaabada ay kaga jawaabaan Daandaansi ay soo qaado Punland.

Halkan Ka Daawo Hadalka Muuse Biixi

SOMALI NEWS

To Top