WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasiirkii warfaafinta Khaatumo“Laba Oday ayaa Caynaba ku sheekaystay, ee Khaatumo iyo S.land Heshiis ma gelin”-Video

Siyaasiga Axmed Maxamed Xasan  (Gacmo-yare) oo Horay usoo Noqday Wasiirka Warfaafinta ee Khaatumo ayaa ka hadlay ugu horayn Heshiiskii dhowaan Caynaba ku dhexmaray Dr. Cali khaliif iyo Axmed Maxamed Siilaanyo.

“Laba Oday ayaa Caynaba ku sheekaystay, Khaatumo iyo Somaliland Heshiis ma gelin,   Dadka Reer  Khaatumo inay Soomaali ka go’aan Marnaba  kama aysan Hadlin,   Somaliland kuwa la baxay  Intay Soomaali diidan yihiin anagu waxaanu diidanahay Maamulkooda “ Ayuu yidhi.

Isagoo kahadlayey Arimaha Doorashooyinka Somalland ayuu sheegay inaysan ahayn wax  Qusayeeya Deegaanada Khaatumo,  Wuxuuna shacabka  ugu baaqay inaysan u kala Hiilin  Saddex Nin oo Ilmaadeer ah.

Axmed Gacmo-yare Mar uu  ka hadlay Hadalkii dhowaan kasoo yeedhay maamulka Puntland  ee lagu sheegay  inaan Gobolada Sool iyo Sanaag ka dhici doonin doorashada Somaliland  ayuu yidhi ” In badan waxaad Maqasheen  War Murtiyeed soo baxay, Balse Fadhigii Baarlamaanka Puntland waxaa kasoo Baxay War-Caruureed. “

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ugu dambayntii wuxuu sheegay in Guud ahaan Soomaali  uu  Madaxwayne u yahay Farmaajo, Halka uu  R/wasaare u  yahay Xasan Cali Khayre,  Wuxuuna sheegay in la joogo wakhtigii Xaqiiqda la Wajahi lahaa oo dalka la dhisan lahaa intii caadifad meel la iska dhigo.

SOMALI NEWS

To Top