WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Xulka Kubadda Cagta ee Jubaland oo ku guulaystay Koobka Maamulada ee Muqdisho ka socday-Video

Xulka kubadda cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada, kaddib markii ay ciyaartii Finalka 1-0 uga badisay xulka Puntland oo tartankan ku guuleystay sanadkii hore.

Jubbaland ayaa ka aarsatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday, waxaana maanta ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo kubad wanaag ka muuqatay.

Jubbaland ayaa goolka dhalisay daqiiqadii 74aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartoyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabaal deg.

Ciyaartoyda Jubbaland ayaa goor dhow la guddoonsiin doonaa Koobka ay ku guuleysteen, iyagoo noqday Kooxdii labaad ee Tartanka ku guuleysta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top