WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif oo Hargeysa kaga qayb galay kulan lagu soo dhaweynayey Bille Rafle-Video

Bille Rafle Guuleed Badhasaabkii Hore ee Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee Dowladii Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay magaalada Hargeisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bille ayaa la sheegay inuu wax badan ka qabtay Gobolada Waqooyi Xiligii uu ku sugnaa, Waxaana hada Jira goobo caan ah oo gacantiisa uu ku dhisay iyo Jidad kala duwan oo kamid ahaa Mashaariicdii uu Xiligaasi Hirgeliyey, Taasi oo ka dhigtay inuu Noqdo Shaqsi caan ah oo lagu Xasuusto Wanaag iyo Waxqabad.

Sooo dhowaynta Hargeisa loogu sameeyay ayaa waxaa ka qayb galay Siyaasiyiin uu kamid yahay Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Gaylaydh oo mudooyinkan ku Sugnaa magaalada Hargeisa.

Bile ayaa deegaan ahaan aan kasoo jeedin Burco iyo Hargeisa, Wuxuuna u dhashay Beesha Ogaadeen Balse wuxuu halkaasi ka muujiyey Waxqabad Wanaagsan oo Lagu Xasuusto.

SOMALI NEWS

To Top