WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Maxamed Geedi oo weeraray Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Farmaajo-Video

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali maxamed Geeddi ayaa ka hadlay marxalada uu dalka marayo, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday mucaaradada xooggan ee ay wajaheyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in burburkii kaddib ay dowladda Farmaajo ay tahay tii afaraad, isagoo tilmaamay in dowladdii dhalata ay tahay in meel gaarsiiso, isla markaana mida maanta jirta ay tahay guul umadda u soo hoyatay, isla markaana ku dadaashay inay ka sii ambaqaado meesha ay ugu timid, isla markaana meel ka wanaagsan gaarsiiso.

Mar uu ka hadlayay mucaaradka dowladda ayuu xusay in dowladdan curdunka markii la dhisay lagu bilaabay jilaafooyin iyo in qodxo iyo masaamiir loo dhigo, si aysan horay ugu socon, isagoo ka digay in aan dib dalka loogu celin dhibaatadii.

“Dowladda mucaarad waa yeelan karta, laakiin mucaaradka lama rabo inuu wax burburiyo ee waa inuu saxaa, oo dhaliilaha uu sheegi karo, laakiin haddii ay wax burburin noqoto umadda Soomaaliyeed dan uma ahan, caalamka nagama aqbali doono”ayuu yiri.

Cali Maxamed Geeddi ayaa soo hadal qaaday siyaasiyiin ku hadaaqayay in magaalada Muqdisho la kala leeyahay iyo in marti lagu yahay, waxaa uu sheegay in Muqdisho aanay jirin cid marti ku ah iyo cid marti loo yahay.

“Waxaa arkaa muddooyin siyaasiyiin fara badan oo dhowr jeer ku hadaaqaya Muqdisho cid marti loo yahay ma jirto iyo cid marti ka ah, siyaasiyiinta waxaa ugu baaqayaa in aysan Soomaaliya kala geyn”ayuu yiri Cali Geeddi oo hadalkan u muuqday mid uu ugu jawaabayay hadal ka soo yeeray C/raxmaan C/shakuur.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top