WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ganafka ku dhuftay go,aankii Maxakamadda G.Banaadir ku fasaxday C/raxman C/Shakuur-Video

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ka hor-yimid go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ku soo afjaray kiiskii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ay ku soo eedeysay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo ahaa fal dambiyeed qiyaano qaran iyo qaran dumis.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dr. Axmed Cali Dahir oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ahaa mid baal marsan sharciga, isla markaana ay ka qaadanayaan racfaan sharci ah.

“Xafiiska Xeer Ilaalinta wuxuu racfaan ka qaadanayaa go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo aan u arango in aanu sharciga waafaqsaneyn, maadaama waxa laga doodayay ay aheyd in muddo xafiiska xeer ilaalinta la siiyo oo baaris ku sameeyo, dacwada marxaladii u horeysay ayay mareysaa, balse ma aha dulucda dacwada in laga hadlo ama in la soo bandhigo caddeymo, xafiiska xeer ilaalintana marna looma ogolaan muddo baariseed ay dalbatay”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Inkastoo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed uu diiday in racfaan laga qaato kiiska uu xukmiyay, hadana Xeer ilaalinta ayaa ku adkeysaneysa in si sharci ah waafaqsan ay racfaan ugu qaateen go’aakaas ay maanta Maxkamadda xoriyadiisa dib ugu soo celisay C/raxmaan C/shakuur.

SOMALI NEWS

To Top