WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood odayaasha iyo waxgaradka oo baaq nabadeed ka soo saaray Colaada Gunburka Cagaare-Video+Warbixin

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa ka hadlay Dablaydii dhowaan dilka u gaystay Ganacsade Shaacuur ee lasoo qabtay, waxayna sidoo kale sheegeen in la Joogo Xiligii Gacan ku dhiiglayaasha Tiirka lasoo taagi Laahaa, siday Bulshadu u kala Nabad gasho oo aano dambe aan la isku dilin, Waxayna Fariin u direen Maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale waxay ka hadleen Colaada kasoo Cusboonaatay deegaano Hoos yimaada Gobolka Sool, Kuwaasi oo dhexmaray Beelo kasoo kala jeeda Mudug iyo Sool, waxayna ku baaqeen in Xal buuxa arintaasi laga gaadho, Iyagoo Maamulka Puntland ku eedeeyay inuu qayb ka yahay Colaadaasi, Iyadoona Ciidamo kala duwan ay keeneen deegaanka.

“Hadii aad tihiin Maxamed Harti (Majeerteen) Waxaanu Ognahay inaad maanta Hareeraha ka Fadhidaan, Qoys ka tirsan Dhulbahante oo Mudo badan aad Duulaan ku ahaydeen, Waxaanu idiin sheegaynaa inaan  Indhaha idinka Qarsan doonin,  Waxaad doonaysaan in Harti isku dhamaado” Ayuu yimid mid kamid ah Odayaasha.

 

SOMALI NEWS

To Top