WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiweli Gaas oo ka hadlay Colaada Deegaanka Gunburka iyo Socdaal uu ku joogo Burtinlle-Video

Madaxwenaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu ogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, Wuxuuna sheegay in magaalada Buurtinle ay ka socoto mashaariic horumarineed kuwaas oo ay ka hirgelisey Xukuumaddu.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Gaas ayaa ka hadalay Colaada iyo dagaalkii Beelaha Mudug iyo Sool ku dhexmaray Deegaanka Gumburka Cagaare, Wuxuuna baaq u diray dadka shacab ka ah ee ay dhexmartay xurguftu, isla markaana waxa uu ku booreyey inay joo jiyaan dagaalka nabad iyo waaan-waanna kusoo dabaalan xaaladda hadda jirta.

” Runtii aan aad uga xunnahay dadkaa Soomaaliyeed ee dhintay. intii dhimatay Alle haw-naxariisto, inta dhaawaca ahna waxaan rajaynayaa in Alle u booga-dhayo, ka Puntland ahaanna waajib nasaaran weeye shacab kayaga markay dhibi gaadhto inaanu u nimaadno wixii shiddo iyo shar wadana aanu ka qabano, bulshadaa wada degan ee walaalaha ahna waxaan ugu baaqaynaa inay wanaag, ehelnimo, walaaltinimo ay kuwada deganaadaan, nabad kuwada noolaadaan nabad kuwada daaqaan “ ayuu yidhi Gaas.

SOMALI NEWS

To Top