WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Culimadda G.Sool oo amni daradda Laascaanood ku eedeeyay Maamulka Somaliland-Video

Culimadda Gobalka Sool ayaa maantya khudbadihii salaadda Jimce ee Masaajidda waa weyn ee magaalada Laascaanood waxaa ay kaga hadleen dilalka iyo amni daradda kasoo cusboonaatay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool iyo waliba colaadda kasoo cusboonaatay Deegaanka Gunburka Cagaare.

Culimadda ayaa si adag uga hadlay xaaladda amni ee Laascaanood iyaga oo dushana ka saaray maamulka Somaliland amni darada soo laab laabatay ee magaalada Laascaanood.

Waxaa ay sheegeen in Somaliland ay caadaysatay in marka qof la dilo ay raadsato Qofkii wax dilay kadibna ay jeelka iska dhigtaan oo halkaas lagu biilo isla markaana ay halkaas amni daraddii kasii socoto.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top