WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Heshiis laga gaadhay Dilkiii Degmadda Ceegaag iyo isimadda dhaqanka oo ka hadlay-Video

Isimada Gobolka Cayn iyo Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle oo Maalmahani Ku sugnaa Degmada Ceegaag ayaa Ka qayb Galay Heshiis Nabadeed oo Deegaankaasi Ku dhexmaray Laba Beelood oo Wada dega Gobolka Cayn, Kadib Markii Deegaankaasi Ceegaag Lagu dilay Labo Bilood Ka hor Marxuun Daahir Aflahaar oo kamid ahaa Ganacsatada Deegaanka Buuhoodle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Garaad C.risaaq Garaad Soofe iyo Garaad Saleebaan Buraalle oo goob joog ka ahaa Munaasibada loo qabtay, ayaa sheegay inay labada dhinac Shaqaaqadaasi ka gaadheen Heshiis Buuxa.

Waxay sheegeen inay Magta Laga bixin doonto ay Noqon doonto Sida diintu Qabto 100-Halaad iyo 30-kale oo Wanaajin loogu daray, taasi oo ka dhigan 130 Halaad, Iyadoona labada Ardaa ay ka Heshiiyeen Sida iyo Wakhtiga lagu bixin doono.

SOMALI NEWS

To Top