WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame“waa dhamaatay wakhtigii Qori wax lagu maquunin jiray,,-Video

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay guuleysatay Cadaaladda, kaddib markii maxkamadda ay go’aamisay in aanu wax dambi ah laheyn, dibna loogu soo celiyay xoriyaddiisa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in falkii lagu soo weeraray gurigiisa uu ahaa gardaro iyo dulmi, laguna laayay istaafkiisa, hantidiisana lagu bur buriyay, isla markaana ay dhamaatay qeybtii hore ee dacwada, ayna jirto qeybta labaad ee dacwada.

“Waxaa rabaa inaan u mahad celiyo dhamaan intii dhinac istaagta arrinteyda, cadaaladda ayaa guuleysatay, dacwada qeybta hore ayaa dhamaatay qeybta dambe wey furmi doontaa oo aniga xaqa aan lahaa ahaa, cida igu soo been abuuratay beenteeda waa la caddeeyay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in dalka laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, isla markaana aan dalka dib loo celinin.

“Waxaa ugu baaqayaa madaxda dalka, waa laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, dalkan xilli dib loo celiyay lama joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, labada guddoonka Baarlamaanka ee Aqalka sare iyo Golaha shacabka, waxaa ugu baaqayaa inay sharciga la tiigsanaa cid walba oo sharciga ka hor timaada”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay la xisaabtamaan cidii mas’uuuliyadeeda gabtay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

C/raxmaan C/shakuur oo 49 jir ah ayaa horay u soo noqday Wasiirka Qorsheynta Xukuumaddii hore, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo 8-dii bishii February ee sanadkan.

SOMALI NEWS

To Top