WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo goordhow la wareegay Guriceel & Ahlusuna oo isaga baxay.

Cadaado (HM)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo horay ugu sugnaayeen maleeshiyo taabacsan Ahlusuna Wal-jameeca.

Sida wararku sheegayaan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21aad iyo ciidamo ka tirsan Nabadsugida ayaa la wareegay ammaanka guud ee degmada, kaddib markii ay isaga baxeen Maleeshiyadii Ahlusuna.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan xarumihii ay ku sugnaayeen Ahlusuna ay la wareegeen Ciidamada dowladda, lama oga halka ay u baxeen maleeshiyadii Ahlusuna.

Is rasaaseyn kooban ayaa xalay ka dhacday degmada Guriceel, taasoo u dhaxeysay ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusuna, waxaana is rasaaseyntan ay ka dambeysay markii gaari dagaal ay lahaayeen Ahlusuna oo doonayay inuu u baxsado dhanka dowladda ay ceyrsadeen maleeshiyada ahlusuna, isla markaana intii ay ceyrsanayeen ay is rasaaseeyeen Ciidamada dowladda.

Xaalada degmada Guriceel ayaa saaka ah mid degan, waxaana jira dareen dadka deegaanka qabaan oo ah in deegaanka dagaal ka dhaco, ayna soo rogaal celiyaan maleeshiyada Ahlusuna.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda la wareegeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay horay ugu sugnaayeen Ahlusuna, waxaana tallaabooyinkan ay wadaan ciidanka dowladda uu yahay mid ay guud ahaan meesha uga saarayaan awooddii Ahlusuna ku laheyd deegaanadaas.

SOMALI NEWS

To Top