WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo booqday dadkii ku dhibaatoobay fatahaada Beledweyne-Sawiro

Hiiraan (HM)-Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si uu ugu kuur galo dhibaatada ka dhalatay Fatahaada Wabiga Shabelle.

HALKAN KA DAAWO

Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare , Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona Masuuliyiinta dowlada iyo kuwa Hirshabelle ee ku sugan magaalada Baladweyne, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha inta uu joogo Baladweyne u kuur gali doonaa xaalada dadka ku barakacay fatahaada wabiga.

SOMALI NEWS

To Top