WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaankii Deni su,aasha dhibtay waydiiyey oo shaki weyn galiyey garsoorka Puntland-Video

Garoowe  ( HM ) Xildhibaan Cawil Daad  oo ah Xildhibaan Dhowaan Su’aalaha Kulul Waydiiyey  Madaxwaynaha Puntland ayaa  Bixiyey Waraysi dhinacyo badan Taabana, Wuxuuna ugu horayn ka hadlay  go’aanka Laalista dacwaddii ka dhanka ahayd iyo xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa mar kale la waydiiyey Su’aashii  uu dhowaan Waydiiyey Madaxwayne Siciid DENI inuu Cudur daar ka bixinayo “Hadii la ammaano madaxwaynaha waa la khiyaamay, Balse Markaad dhaliisha u sheegto waa inuu Saxo”. Ayuu yidhi Xildhibaan Cawil.

Xildhibaan Cawil wuxuu sidoo kale hadlay Odayaal eedayn usoo  jeediyey, Wuxuuna yidhi .

“Baarlamaanku waa Hay’adda ugu saraysa Puntland, iyada ayaa keenta Madaxwaynaha oo Sharci ka dhigta,  Shacabkana waxaa matala Baarlamaanka,   Wixii ka dhexeeya Baarlamaanka iyo Xukuumadda  waa wax u gaar ah Dawladda, Odayaasha meelahaas ka hadlay waxaan leeyahay Shaqadii Beesha iyo dhaqankii haku filnaadeen” Ayuu yidhi isagoo ka hadlay Odayaal eedayn u jeediyey.

Waxaa kale oo wax laga waydiiyey Xildhibaano dhowaan sheegay inay Wadahadal ugu tageen Madaxwayne Siciid DENi iyo inuu war ka hayey Arintaasi, Wuxuuna sheegay inuu arintaasi ka War qabay Balse ay Si khaldan u dhigeen Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyaddu taasi oo uu ku sheegay mid aan Qaan-gaadh ahayn.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay sida Xal Waara looga gaadhi karo Khilaafka u dhexeeya DF Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top