WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Ciidamadda Amaanka oo gudaha u galay Guriga Cabdi Qaybdiid ee Muqdisho iyo Baadhitaan ku socda…

Ciidamada ammaanka ayaa goordhow gudaha u galay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Senator Cabdi Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal.

Ciidamadan ayaa xirey wadooyinka soo gala guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaal degmada Hodon agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in ay baaritaan ka wadaan gudaha guriga Cabdi Qeybdiid.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senator Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatarka.

Hoyga Senator aqalka sare  ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dhigayo dastuurka dalka.Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida

SOMALI NEWS

To Top