WARARKA SOOMAALI

Daawo:-R.W Khayre oo sheegay in aan Sanadka Xukuumaddiisa Dalka Lacag lagaga yeelan doonin-Video

) Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda  iyo Bankiga Dhexe ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuq-maasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

SOMALI NEWS

To Top