WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Cabdixakiim Camey oo ku wajahan Degmadda Xamar lagu-xidh iyo Safarkiisa Buuhoodle-Akhriso

Buuhoodle (Horufadhi News)- Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland  C.xakiin Cabdilaahi  (Camey) ayaa  kusii jeeda magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn, waxaana uu saqdii dhexe ee xalay ka baxay magaalada  Garoowe.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Safarkiisa Xiligan oo ku tagayo Gobolka Cayn, Iyadoo Puntland  ay Xiisad dagaal oo kala dhaxaysa Somaliland ay ka taagan tahay Gobolka Sool.

Dad badan ayaa Dhaliilsan Safarkan ku eedeeyay inuu Qorshihiisu yahay Sidii ay Puntland deegaanka uga Heli Lahayd Ciidamo, Kuwaasi oo Markii Xaaladu wacnayd aan cid ka Warqabin.

Sidoo kale waxaa Jira dad badan oo isku diyaarinaya Soo dhowaynta C.xakiim Camey, Kuwaasi oo la dhacsan Safarkiisa.

Deegaanka Xamar-lagu xidh ee Gobolka Cayn ayaa la sheegay inuu booqan doono, Iyadoona Waxgaradka deegaankaasi ay sheegeen inay horey dhowrjeer uga Codsadeen inuu yimaado taasi oo aan dhicin, Balse maanta aysan la dhacsanayn  Safarkiisa.

SOMALI NEWS

To Top