WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Puntland oo war cusub ka soo saartay Xaaladda Gobalka Sool-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News)– Puntland ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in shacabka magaaladda laascaanood ay ku suganyihiin xaalad aad u qalafsan oo ah tacadi ay u gaysanayaan ciidanka Somaliland, taasoo isugu jirta Xadhig, Jirdil, Handadaad iyo Caburin fikir. ( Wuxuuna  u dhignaa sidan.)

TIX/001004/2018 May 30, 2018
Dawladda Puntland waxay u sheegeysaa Ummada Soomaaliyeed, Hay’adaha u dooda xaquuqul Insaanka sida Human Rights Watch iyo Beesha Caalamka in shacabka ku nool Degmada Laascaanood ay ku sugan yihiin xaalad aad iyo aad u adag oo aan loo dulqaadan karin.

Degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa hadda ka socda caburin, xarig iyo jirdil aan la aqbali karin oo loo geysanayo hooyooyin, arday iyo shacab nugul oo aan waxba galabsan, waxaana hadda ku jira xabsiyada iyo garoomada lagu ciyaaro kubadda cagta boqolaal qof oo ah dad shacab ah oo lagala soo baxay guryahoodii, sidoo kale waxaa yaala Isbitaalada Degmada Laascaanood shacab aad u badan oo lala dhacay Rasaas nool oo hadda la taabaalaysan dhibaatadii loo geystay, qaar-koodna u geeriyoodeen dhaawacyadii loo geystay.

Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in dhibaatadaas ay geysteen maleeshiyaad laga keenay Hargeysa oo uu soo diray Muuse Biixi, isagoo amar ku-siiyey maleeshiyaadkiisa xasuuq iyo barakicin inay ku sameeyaan shacabka Degmada Laascaanood ku nool, iyadoo lagu jiro Bishii Soon ee barakeysnayd ayaa waxaa xabsiyada laga buuxiyay shacab sooman, waxayna la liitaan xaaladda cimilada xabsiyada oo aad kulul, arintaasna waxay hor seedidoontaa
halis caafimaad oo soo wajahda shacabkaas xabsiyada lagu gurayo.

Dawladda Puntland waxay mar kale ku celineysaa in maamulka Hargeysa uu mas’uul ka noqon-doono dhammaan wixii soo gaaray shacabkaas ee kala ah dhimasho, dhaawac iyo xarig, waana lagula xisaabtami doono maamulkaas wax-yeelaynta joogtada ah ee uu ku hayo shacabka ku nool degmada Laasnaacood.

Ugu dambeyn, Puntland waxay usheegaysaa shacabka gobolka Sool (Laascaano) in Puntland aysan ku eegan doonin xasuuqa iyo dhibaatada lagu hayo, ayna Puntland xoreyn doonto shacabkeeda ku sugan Laascaanood.

SOMALI NEWS

To Top