WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood odayaasha Degmadda Yagoori oo taageero u muujiyey Somaliland-Video

Laascaanood (Horufadhi News0)-Qaar kamid ah Odayaasha Deegaanka Yagoori ee Gobalka Sool oo warbaahinta shalay la hadlay ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin Somaliland isla markaana ay garab taagan yihiin Ciidamadda Somaliland ee jiida hore ka dagaalamaya waa sida ay hadalka u dhigeene.

Odayaasha ayaa sheegay in ay ka go,an tahay isla markaana ay naf iyo maalba la garab taagan yihiin Ciidamadda Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa Maamulka Puntland ,iyaga oo dhanka kalena sheegay in Gobalka Soolnabad yahay isla markaana ay kuwo calooshood u shaqaystaal ah nabad galyadiisa ka Been abuuranayaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Odayaashan sidoo kale warbaahinta Somaliland kula hadlay Degmadda Yagoori waxaa ay fariin adag u direen Muuse Biixi iyaga oo ugu baaqay in uu si shuruud la,aan ah kusii daayo waxgaradka ku xidhan Xabsiyada Laascaanood iyo Hargeysa gaar ahaan waxaa ay si khaas ah ugala dardaarmeen Xadhiga Boqor Cusaan Awmaxamuud Buur-madow.oo ku xidhan mudo Hargeysa.

 

SOMALI NEWS

To Top