WARARKA SOOMAALI

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xidhnaa Xabsiyada Liibiya oo Saaka dib loogu celiyay Dalkooda Hooyo-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Waxaa Saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad siday illaa 165 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xayirnaa dalka Libiya, kuwaasoo tahriib ahaan ku galay dalkaas, si ay uga sii gudbaan dalalka Yurub.

Dhalinyaradan oo ah qeybtii u dambeysay ee laga soo daabulo dalka Libiya ayaa ka dambeysay dadaalo dowladda Soomaaliya u gashay sidii dhalinyaradaas dib dalkooda loogu soo celin lahaa.

Illaa 300 oo dhalinyaro Soomaali ku xayirnaa magaalada Tripoli ayaa si mutadawacnimo ah isku diiwaan geliyay, si dalkooda dib loogu celiyo, waxaana la filaya in maalmaha soo socda la keeno tiro kale.

Guddiga dowladda Soomaaliya u xil saartay fududeynta howlaha lagu soo daabulayo dhalinyarada ku xayiran dalka Libiya ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Tripoli, si ay ugu dhiira geliyaan dhalinyarada in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xanibnaa dalka Libiya ayaa waxaa badankood gacanta ku hayay Magafayaal doonayay lacago, sidoo kale waxaa jira in kuwa ka mid ah loogu shaqeysanayay qaab adoonsi.

Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka Socdaalka IOM ayaa ka qeyb qaadatay barnaamijka daabulida dhalinyaradan ee dib loogu soo celiyay dalkooda, waxaana ay wada shaqeynayeen Guddi gaar ah oo Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay arrimaha soo daabulida dhalinyarada ku xanibnaa dalka Libiya.

SOMALI NEWS

To Top