WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay inay kalsoonida kala noqdeen xukuumadda Khayre.

Muqdisho (HM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xidhay kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey inay kalsoonidii kala noqdeen ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo xukuumaddiisa.

Mursal oo hadlay kadib buuq hadheeeyay kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu codka u batay in kalsoondii lagala noqday xukuumadda.

Sidoo kale wuxuu goobta dhawaaqay magacyada xildhibaanada sameeyey buuqa, kuwaas oo kala ah:- Xubnaha fodada bilaabay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Dhuxulow, Xildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top