WARARKA SOOMAALI

Midowga Afrika oo war kasoo saaray shirkii Dhuusamareeb-Akhriso

Addis Ababa (HM) – Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shirkii dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu soo dhoweynayo go’aanadii ka soo baxay shirkaasi oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

“Guddiga midowga afrika wuxuu qorayaa oo soo dhaweynayaa kulanka udhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Hogaamiyaasha Xubnaha Dowlada Federaalka (FMS) ee Dhuusamareeb waxaana lagu dhiiri gelinayaa isbadalada hogaamiyaasha in la sameeyo gudi farsamo oo kahadlaya qaab dhismeedka doorashada 2020″ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee ka soo xafiiska guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Sidoo kale wuxuu Moussa Faki Mahamat intaasi ku daray inuu rajeynayo in gaba-gabada la soo bandgi doono natiijo waxtar leh oo lagu wada shaqeyn karo.

“Intaa waxaa sii dheer, guddiga midowga afrika wuxuu rajaynayaa gabagabada guul ee geedi socodkan oo ah inuu soo bandhigo xalka lagu shaqeyn karo oo balaadha sida ugu badan ee suuragalka ah tirada codbixiyeyaasha” ayaa mar kale lagu yidhi qoraalka.

Beesha caalamka ayaa horey u soo dhoweysay shirka Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeyey madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, islamarkaana lagu xaliyey khilaaf in mudo ah u dhexeeyey maamul goboleedyada qaar iyo dowladda dhexe.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top