WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Gudoomiye Mursal oo shaaciyey sababta loo riday Xukuumadda Khayre-Video

Muqdisho ( HM )-Maxamed mursal cabdiraxmaan Guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlay saxaafada isagoo ku sugan xafiiskiisa ayaa sheegay in ay xukuumada ku fashilantay hannaanka ku gaadhista doorasho qof iyo cod  ah iyo maqaamka caasimada,afti u qaadida meel marinta dastuurka,hirgelinta axsaabta siyaasadeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha baarlamaanka waxa kale oo uu sheegay in dowladu ay awoodi weyday inay keento ciidamo hanta amniga.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka in cod uu u qaaday kala noqoshada kalsoonida hadda jirta ee xasan cali kheyre. waa oggolaatay 170 waxaa diiday siddeed xildhibaan wax ka aamusay ma lahan.

Sidaa darteed waxa uu guddoomiyaha baarlamaanka ka codsaday Madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub.

Hase yeeshee lama oga sida ay sharci ku noqon doonto kalsooni kala noqoshadan maadaama ajandaha kulanka maanta uu ahaa doodo laga yeesho doorashada dalka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top