WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Ahlu-sunna oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Heshiiskii oo burburay-Video

Muqdisho (HM)-Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay iclaamiyeen daagal ka dhan ah dowladda.

Af-hayeenka Ahlu-sunna Ibraahim Xaashi Cosoble oo warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay al gashay Ahlu-sunna islamarkaana ay dagaal qaawan ku soo qaadday degaannada Galmudug iyadoo adeegsanaysa ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsanaan jiray Al-shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Ahlu-sunna ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka la socod-siisay in Cawaaqibka dagaalkaasi ka yimaaday ay mas’uuliyaddiisa qaadayso dowladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top