WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Hub iyo Baabuurta aan Xabadu karin ka dejisay Dhuusamareeb

Muqdisho (HM)-Ciidamo dheeraad ah ayaa saaka ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kuwaasoo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayana Ciidamadan ayaa waxaa wehliya saanad hub, waana markii u horeysay ee dowladda ay hub ka dejiso Dhuusamareeb loogu tala galay Ciidamada la wareegay ammaanka magaalada.

Maalin ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale labo diyaaradood oo ciidamo siday ka degtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo la wareegay amniga xarumaha muhiimka ee magaalada.

Tallaabooyinkan ayaa ka dhigan in dowladda Federaalka ay si buuxda u adkeyneyso joogitaankeeda magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu wado inuu ka dhaco shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Ahlusuna oo ku saabsanaa Ciidamada la geeyay Dhuusamareeb iyo balamo ay sheegtay Ahlusuna in looga baxay.

Ciidamadii Ahlusuna ee deegaanka ku sugnaa ayaa lagu daray kuwa dowladda Federaalka, iyagoo tababaro loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana arrintaas qeyb ka aheyd heshiis horay ay ula galeen dowladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top