WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shaqaale Muuse Biixi caydhiyey oo xiisad ka abuuray Soomaliland-Video

Hargeisa (HM) Maamaamulka Soomaliland Xisbiga Wadani ayaa ka hadlay 42-Shaqaale ah kuwaasi oo maalintii shalay laga Eryay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeisa, Kadib markii lagu eedeeyay inay Dhaqaale ka Qaadan jireen Dawladda Soomaaliya oo la wareegtay maamulka Hawada ee dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xisbiga Wadani ayaa sheegay inaysan Shaqaalahaasi ahayn Kuwa si fudud loo Caydhin karo, Islamarkaana Xaqooda iyo Xaquuqdooda meel looga dhacay, Waxayna xuseen in Shaqaalahan uu ahaa  Mid Tababar badan ay qabeen.

Dhinaca kale Xisbiga Wadani ayaa soo bandhigay Arimo badan Waxayna dhaliilo kala duwan u jeediyeen Maareeyaha Duulista Hawada.

SOMALI NEWS

To Top