WARARKA SOOMAALI

Deegaanada maamulka Puntland oo laga joojiyey in laga furto Dugsiyo Waxbarasho-Akhriso

Laascaanood (HM)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee maamulka Puntland, ayaa amar ku bixisay in aan degaannada Puntland laga furan karin wax dugsiyo cusub, ilaa laga helayo ogolaanshaha rasmiga ah ee wasaaradda.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax, ayaa sidoo kale lagu amray dugsiyada hoose ee doonaya in ay u gudbaan dugsiya dhexe ama sare, in ay soo maraan nidaamka wasaaradda oo ay qaataan waraaqda ogolaanshaa rasmiga ah.

Waxaa kale oo qoraalka lagu ayaa sheegay, in dugsiyada aan soo marin nidaamka wasaaradda, aysan ka mid noqon doonin dugsiyada u diiwaan-gashan maamulka Puntland, waxaana hay’adaha Waxbarashada caawiya lagu wargeliyay in aysan la shaqeyn karin.

SOMALI NEWS

To Top