WARARKA SOOMAALI

Daawo:-James Swan oo Muuse Biixi Hargeysa kula kulmay-Video

Hargeisa  ( HM) Ergayga Cusub ee Qaramada Midoobay usoo Magacowday Soomaaliya James Swan ayaa Maanta Booqasho ku tagay magaalada Hargeisa, Wuxuuna Halkaasi kulan kula qaatay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sacad Cali Shire Wasiirka Arimaha Debedda Somaliland oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  Kulanka loog ahadlay Mashaariicda UN-ku ay ka wadaan Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Ergayga Cusub ee QM ayaa dhankiisa ka hadlay Kulanka uu la yeeshay madaxwayne Biixi, Isagoo ka mahad celiyey soo dhowaynta loo sameeyay, Wuxuuna xusay inuu dhowr jeer horey usoo booqday Hargeisa.

James Swan ayaa Qaramada Midoobay soo magacowday Kadib markii ay DF Soomaaliya Dalka saartay Ergaygii Hore ee Qaramada Midoobay, kaasi oo lagu eedeeyay inuu Faragelin ku sameeyay Arimaha Gudaha ee Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top