WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Musharax Axmed Madoobe kasoo cararay oo dilkii Hodan Naaleyana ku eedeeyay-Video

Laascaanood ( HM) Musharax Maxamed Cali Yarow oo  Horay uga tagay dalka Maraykanka, Islamarkaana ku dhowaaqay inuu u taagan yahay Xilka Madaxwayne ee Jubbaland ayaa ka hadlay Dhacdooyin la yaab leh oo ka Qabsaday Kismaayo oo uu ku dhashay.A

Musharax Yarow ayaa Xusay in Taageerayaashiisa loo diiday inay kusoo dhoweeyaan Garoonka Kismaayo,  Sidoo kalana mar kale oo Hotelka uu duganaa uu kula Balamay ay soo Weerareen Ciidamo daacad ah u ah Axmed Madoobe, Sida uu hadalka u dhigay.

“Saddex goor ayaan isku dayey inaan Qabsado Xaflad aan muujinayo Qorshahayga, Ciidamada Maleeshiyaadka Axmed Maxamed Islaam    ayaa iga Hor istaagay”.

Waxaan markaasi kadib la kulmay Axmed Madoobe, Waxaan ka codsaday in Musharixiinta iyo odayaasha dhaqanka Xoriyad la siiyo, Wuxuuna xusay inuu ugu Jawaabay Amarkayga Qaado, oo Qaado Kaadhka doorashada “. Ayuu yidhi  Musharax Cali Yarow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in magaalada Kismaayo ay maamulaan Urur Argagxiso oo Shaadh Dawladeed loo geliyey “Dadka Kismaayo jooga Xoriyad ay haystaan malaha, waxaana usii dheer Jidh-dil loo gaysto Qofkasta oo hadla “.

Musharixiinta ku sugan Kismaayo  ayuu ugu Baaqay inay Naftooda ka Fekeraan, Wuxuuna sheegay inuu Helay Qorshe Hotelkiisa loogala Bixi lahaa, Islamarkaana uu Nairobi   usoo Cararay.

Musharaxa  Maxamed Cali Yarow ayaa sidoo kale Xog cusub ka sheegay Qaraxii Kismaayo  “Gabadha La yidhaahdo Hodan Naaleeye waxay duubaysay Barnaamij ku saabsan  Caruurta Askarta laga dhigayo, Waxaana Aaminsanahay in Weerarka Hotelka  lagu soo Qaaday uu ku Aadanaa Hodan Naaleeye “

SOMALI NEWS

To Top