WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jabhadda Korneyl Caarre oo ku dhawaaqday inay qabsadeen inta badan Gobalka Sanaag-Video

Laascaanood ( HM ) Jabhadda Korneel Caarre ayaa sheegtay inay Deegaano horleh ka qabsatay Somaliland,  gaar ahaan Deegaanka Xeebta ku yaala ee Maydh iyo Saldhigii Ciidamada Badda ee Halkaasi ku yaallay, iyadoo maalintii shalay uu dagaal dhexmaray Labada dhinac.

Afhayeenka Jabhadda Dulmidiid Sakariye Nuur Cabdilaahi ayaa ka warbixiyey  wararkii ugu danbeeyey ee deegaan xeebeedka Maydh, Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag Wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan Deegaanka Xeebta ee Maydh iyo Buuraylada Daallo “Waxaanu la wareegnay Saanadii iyo Xaruntii Ciidamada Badda oo si Fudud isugu dhiibay Jabhadda Dulmi  diid.”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Isagoo ka hadlayey dagaalkii dhexmaray Labada dhinac ayuu sheegay inay khasaare xoogan gaadhsiiyeen Ciidamada Somaliland.

Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa Rajjo wanaagsan ka muujiyey   Xaalada Gobolka Sanaag iyo Xiisada kala dhaxaysa Jabhada Kornayl Caarre.

SOMALI NEWS

To Top