WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaglotoosiye si xun u karbaashay Faysal Cali Waraabe kana hadlay Dagaalka Gobalka Sanaag-Video

Laascaanood  ( HM ) Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo horay Wasiir uga soo noqday Somaliland oo Waraysi Siiyey Telefishin ka howl gala Hargeisa,   ayaa Laga waraystay Arimo kala duwan, Waxaana ugu Horayn wax laga waydiiyey Xaalada Buuhoodle, wuxuuna ku jawaabay  in laga warayso Wasiirka deegaanka matala.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xaglotoosiye ayaa ka hadlay Xiisada u dhaxaysa Kornayl Caare iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa ku baaqay in Nabad lagu dhameeyo, Wuxuuna Kornayl Caarre usoo jeediyey Inuu Nabad ka qaato Xabada, Sidoo kale Muuse Biixi ayaa usoo jeediyey Tanaasul u sameeyo.

“Dagaalku khasaare ayuu keenayaa,   waa in tanaasul badan la sameeyo si loo badbaadiyo dhiiga, Caare waxaan leeyahay Nabad waxaad ku wayday Colaad ku heli maysid”.

Dhinaca kale  Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa Faysal Cali Waraabe iga Digay Cayda Beesha Daarood Xaglatoosiye ayaa Yidhi “Faysal Kama dhagaysan karo Marka uu Leeyahay Farmaajo iyo Qabiilkiisa Waa Inyar ama uu leeyahay Maxamuud Saleebaan waa Jifo yar.

Mar kale Xaglatoosiye ayaa yidhi “Maxamuud Saleebaan Puntland Waa la yaqaan Inay Dad wanaagsan oo Dalkooda Jooga yihiin ee Faysal Hadalkiisa Ha Miisaamo Ileen Ciidagale Waa la Caayi Karaaye”, Wuxuuna raaciyey  in Faysal Waraabe u Baahan yahay Siminaar.

Xaglatoosiye ayaa Hada Miyiga magaalada Buuhoodle ku Raaca Geel uu isagu Leeyahay.

SOMALI NEWS

To Top