WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha maamulka Puntland oo amaray in amaanka la adkeeyo iyo sababta-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha Maamulk Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray hay’adaha ammaanka ee Maamul Goboleedka Puntland in la adkeeyo ammaanka deegaanada maamulkaas kadib markii uu maanta ka qeybgalay shir loogaga hadlayay amniga.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin kuu ka mid ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaasha ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kulankan ka sheegeen in ay wanaagsan tahay xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Deni ayaa ku amray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro dabaaldegyada 1-da August oo ah maalintii la aasaasay Maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top