WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo Boosaaso ku qabtay Qaraxyo iyo Ragii diyaarinayey-Sawiro

Garowe (HM) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay walxaha qarxa iyo raggii diyaarinayey, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Buuraha oo ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano (PSf) ee maamulkaasi.

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay illaa 7 ruux iyo qaraxyo, sida ay saaka warbaahinta u soo bandhigeen saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland.

Saraakiisha ayaa shaaciyey in qaraxyadaasi la doonayey in laga fuliyo gudaha Boosaaso, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiishani ayaa intaasi ku sii daray in baaritaanadooda ay sii wadi doonaan, inta lagu gudaha jiro dabaal daga aas aaska Puntland oo ku beegsan 1-da Augusto.

Puntland ayaa xoojisay nabad galyada magaalooyinka maamulkaasi oo dhawaan lagu qabanyo xuska 21 sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaskeeda.

Al-Shabaab iyo Daacish oo heysta qeybo ka mid ah gobolka Bari ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya halkaasi.

SOMALI NEWS

To Top