Dardaaran
Waa gabaygii afraad ee maansooyinkii ( tol coloobay)
Dadkan aan la hadlayaa, had iyo jeer waxay ka cawdaan dad kale oo dhib ku haya. Laakiin waxay tahay in dhibaatada dhexdooda taal ay sababtay. Haddii dhibkaasi jirina aan dhibaataba jirteen.
Gabaygii dardaarana waa kane si fiican u fahma.
Nin cimriyey cuntadu wa u kal, carrabka qooyaaye
Cayil kama sugaayo iyo inuu. caalyo bixiyaaye
Waa dardaaran weedhuu cabiro, aan cayaar geline
Anna caajis baan ahay duqnimo, da’ iyo caalwaaye
Cadceed gaadhay baan ahay, cicilow casar gadaalkiise
Ciirka socodkayga iyo , caga ka daalkayga
Araggaa carceerada indhaha, caadku iga fuulay
Dhegahaa cafuufmaye cakiran , maqal culaskayga
Ciradaa camimay guudka iyo, madax caddaantayda
Waa digniin carshiga iiga timid, caadil soo diraye
Ruuxdaba ciyoon buu lategi, malag caraw shaaye
Camal suuban baa igu haboon, caabudaad qudhahe
Hayeeshee adduunyadan cifriid, calan wadhlaynaayo
Oo dawlad loo cararo jirin, ciidan ku ilaasha
Oo meel la ciirsado lahayn, cabasho loo jeedsho
Caamiyo ha joogeen kuweer, aan caqli lahayne
Haddii culimo diin sheegataa, dhiiga ku cillaantay casar weerar joogta ah haddii caado laga yeeshay
Oo caasimadi reer naga mulkiyey, cidhifki aan niilley
Oo nabadi ceel dheer ku riday, caga juglayntooda oo cayda ay nagu hayaan, caalamku ogaaday
Haddaan ciba ay noo tudhayn, cidhib tir mooyaane
Casiirada dhow nibigaa la faray, sii callimintoode
Aniguna ciyaalkayga iyo, kii cid ila sheegta
Inta aan carada laygu rogin, waa xaq caadiyahe
In kastoo codkaygaba qalbiga, ka ceshadaan duulku
carin iyo canaan waan ku adi, aan cargaagtamo e
canlabeeb ma fiicniyo inaad, laba codlaysaaye
tolkay ceebta naanta ah arag, curaddadoodiiye
rag cadaab ka dooraa la yidhi, ciil hadduu qaboe
kolaan ciidan gaaliyo axmaar, ciidda wada keeno
ama aaan cirrooliyo caruur, wada colaad qaadno
sow inaan cadaawaha na dila, cudud tusnaa maaha
sow inaan cayaartay wadaan, la camiraa maaha
innagaa cilmiga Ebbahay, camal falkii daynin
sow inuu ciqaab adag mutoo, caga dhigtaa maaha
cunsur kalana waa erey caqligu, u cudur daaraayo
walaalkaa ku caasiyey adoo, caawimo u baahan
amuu cuudka kuu hurin adoo, caydh la macaluushan
ama uu col kaa daafacayn nacab ku soo caydhshey
hadduu weliba cay kuugu daro, calanka kii hastey
cidla’ sow inaad uga dudaa, kuu cuntami mayso
cayn kalana waa qaar dalkii, calaf ku soo iibshey
raggan ciidan soo wadanayee, cadawga noo keena
cad quudheed kuwaa qaata iyo calaqyo loo tuuro
kuma ciirsan caaqibo tollimo,oo cashiiro ahe
uma curanin calan dowladnimo, laysku caashaqaye
waxay calaliyaan baa ku daray,lagu calalaaye
cadho Eebbe iyo waw diyaar, ceeb adduunka ahe
M. Hiirad