WARARKA SOOMAALI

Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Duleedka Degmadda Baardheer iyo Ciidamadda Dowladda Somaliya oo

Dagaal xoogan ayaa saaka aroornimadii hore ka qarxay duleedka dagmada baardheer ee gobolka gedo kaasoo u dhaxeeya ururka al shabaab iyo ciidamada dowlada oo garab ka helaya kuwa kenya ee howlgalka amisom qeybta ka ah.

Dagaalkan ayaa soo gaaray ilaa barqanimadii maanta waxana ciidamada dowlada ay kula wareegeen deegaanka Fax-Fax-Dhuun ee gobolkaasi gedo,waxana sidoo kale ciidamada dowlada soomaaliya qeybtooda gobolka geddo ay tilmaameen in dagaalka ay ku dileen 20 dagaalyahan oo shabaab ka tirsan.

Sida ay ku soo waramayaan wariyayaasha baardheere ku sugan dagaalka ayaa iminka qaboobay hase ahaatee waxaa weli taagan xiisada dagaalkii saakay dhacay.

SOMALI NEWS

To Top