WARARKA SOOMAALI

Puntland iyo Soomaaliland oo Saaka ku dagaalamay Tukaraq iyo Xaalad Kacsanaan ah oo ka taagan Jiida-Warbixin

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay iska hor imaad saacado kooban qaatay oo saaka deegaanka Tukaraq ku dhexmaray Ciidamadda Maamulka Somaliland iyo kuwa Maamulka Puntland.

Wararka aan ka helayno jiida hore ee Tukaraq waxaa ay sheegayaan in ay saaka weerar gaadmo ah oo ah waxa loo yaqaano ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay soo qaadeen ciidamadda Maamulka Puntland isla markaana ay kusoo galen jiidaha ay sugan yihiin Ciidamadda Maamulka Somaliand oo iyagu dhawaan iska hor imad aan dhiig ku daadan kula wareegay Tukaraq.

Xog hoose oo ay Warbaahinta Horufadhi Media ka heshay Jiidaha Hore ee dagaalka saaka ayaa waxaa ay tibaaxayaan in khilaaf iyo kala aragti duwanaan soo kala dhex gashay Saraakiisha ciidanka ee Mamulka Puntland ay sababtay in qaar kamid ah Ciidamada oo ka gadoodsan in Puntland ay weerar ku qaadi wayso Somaliland ay soo qaadeen weerarka gaadmada ah.

Wararka kale aan ka helayno Madaxtooyadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya in madaxda sare ee Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidanku ay isku maan dhaafsan yihiin dagaaalka Puntland sheegtay in ay u diyaar garowday oo ay ku qaadayso Somaliland.

Madaxeweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ku xigeenkiisa Camey Taliyaha Ciidanka ee Puntland ayaa isku maan dhaafsan in Puntland Dagaal ku qaado Somaliland oo dhawaan la wareegtay Tukaraq isla markaana aan diyaar u ahayn in ay kaso baxaan halkaas in ay horay usii dhaqaaqaan mooye.

Xaaladda ayaa ah hadda mid kacsaan lamana ogaan karo qasaaraha rasmiga ah ee saaka ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray Labada ciidan ee Puntland iyo Soomaliland.

 

SOMALI NEWS

To Top