WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxaa ka jira in Ciidamadda Maamulka ay Dagaalka uga baxeen Faysal Falaalug-Video

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaalkii saaka goor hore ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobalka Sool,gaar ahaan deeganada God-qaboobe iyo faliidh-yaalle.

Hogaaminyaha Jabhadda Dib u xoraynta deegaanada Khaatumo iskugu yeedhay Col Faysal Falaaug ayaa  Saaka uu dagaal ku dhexmaray meel u dhaxaysa Boocame iyo God-qaboobe ayaa la sheegay in ay dagaalkii uga baxeen ciidamo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka Puntland taas oo sababtay in Dagaalku istaago isla markaana dhufaysyo la kala xidho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamadda Maamulka Puntland iyo madaxda Maamulkaas ayaa tan iyo markii Ciidamo ka socda kuwa Maamulka Somaliland ay kala waregeen Deegaanka Tukaraq waxaa ay wadeen abaabul xooggan iyo Hanjabaadyo ay ku doonayaan in ay dib u qabsan doonaan Deegaanka Muhiimka ah ee Tukaraq.

Faysal Falaalug ayaa Maleeshiyaad ku uruursaday Deegaano hoos yimaada Gobalka Sool gaar ahaan Degmada Boocame kadib markii uu kasoo hor jeestay horaantii sanadkii hore wada hadalo u bilaabmay Maamulka Khaatumo iyo Somaliland,Jamhadda ayuu ugu magacdaray Jamhadda dib u xoreynta Deegaanada SSC,waxaana uu gacan saar dhow la leeyahay Maamulka Puntland.

 

 

 

SOMALI NEWS

To Top