WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xoghayihii ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu toogtay iyo sida wax u dhaceen-Video

Koox hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa toogasho ku dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo Axmed Xaashi Xirse oo ay dhashay Batuulo Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, sida ay  sheegeen goobjoogayaal.

Dilka ayaa ka dhacay isgoyska VIA ROMA ee degmada Xamarweyne. Labada ruux ee la toogtay ayaa watay gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen..

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Saraakiisha amniga oo goobta yimid ayaa sheegay in gaariga nuuca loo yaqan Isbaasiyo oo ay saarnaayeen rag hubeysan ay dilka gaysteen, goobtana ay ka baxsadeen.

SOMALI NEWS

To Top