WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo maanta gaadhay Cadaado,kulana la qaatay Xaaf-Video

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha shacabka oo Cadaado u tagay dhex dhexaadinta Madaxda Galmudug ayaa la kulmay Madaxda maamulka Galmudug ee uu khilaafka ka dhex taagan yahay.

Sida ay sheegayaan Xildhibaanadan ayaa la kulmay Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, waxayna kala hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka saameeyay Mas’uuliyiinta maamulka, isla markaana wada hadal lagu dhameeyo khilaafka tagan

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xildhibaanadan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, ayna ka mid yihiin Xildhibaano tobaneeyo gaaraya ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, si ay u xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir, waxayna kala hadleen sidii khilaafka loo xalin lahaa.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday, isagoo xusay in toban xildhibaan oo meel isugu timid aanay xilka ka qaadi karin, isla markaana dastuurka Galmudug uu dhigayo in muddo lix bilood mooshin laga keeni karin Madaxweynaha, maadaama uu isaga xafiiska joogo kaliya 4 bilood.

Si kastaba ha ahaatee xiisada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa salka ku heysa khilaafka Khaliijka oo saameyn ku yeeshay siyaasada Soomaaliya, isla markaana maamulada dalka ka jira ay qaarkood taageeraan Isbaheysiga Sacuudiga, kana hor-yimid go’aankii dhex dhexaadnimada ee dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

SOMALI NEWS

To Top