WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ka jawaabay hadal dhawaan uu yidhi Axmed Madoobe iyo Shir Wada tashi oo uu ku baaqay-Video

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay baaqii ka soo yeedhay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ku baaqay leysugu yimaado shir wada tashi ah si looga gudbo is qab qabsiga xasarada siyaasadeed ee kacsan.

Dhinaca kale madaxweyne Waare ayaa soo hadal qaaday khilaafka Galmudug, wuxuuna sheegay dhisida maamulkan in dhibaato badan laga soo maray, hadana aanan loo baahneyn in la dumayo maamulkan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

‘’Waxaan leeyahay dhismaha maamulka Galmudug dhibaato badan ayaa laga soo maray, ma’aha in la dumiyo dadka arintaa ku howlan waxaan leeyahay halaga fiirsado, khilaafkana lagu xaliyo wadatashi’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay kaddib markii gudoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay sheegeen in ay xabsi guri ku jiraan, Waxaana Cadaado maanta Gaadhay Xildhibaano ku Howlan sidii loo xalin lahaa Xiisada u dhaxaysa Madaxda Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top