WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xildhibaan Sakariye“Waa inaan Itoobiya ka dalbanaa in la soo celiyo Qalbi-Dhagax-Video

Ka dib markii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sharci daro ku tilmaameen dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa arintaasi waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si deg deg ah uga dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay qorto warqad lagu dalbanaayo in lagu soo celiyo Qalbi dhagax.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xildhibaanada kala ah Sakariye Xaaji Maxamed, Cabdiraxmaan Odawaa iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay soo celiso dowladda Soomaaliya Qalbi dhagax.

Waxa ay sheegeen in markii hore lagu dhiibay si sharci daro ah, hadana loo baahan yahay in dalkiisa dib loogu soo celiyo.

 

SOMALI NEWS

To Top