WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gudigii loo xil saaray Kiiska Qalbi-Dhagax oo maanta Barlamaanka hor tagay iyo cida dhiibtay oo la ogaaday-Video

Guddi gaar ah oo Guddoonka Baarlamaanka u saaray bishii September inay soo baaraan kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya dhamaadkii bishii August ayaa maanta la filayaa inay warbixin hor-geeyaan Golaha shacabka.

Warbixintan ayaa si gaar ah isha loogu haaya waxa ay noqon doonto, iyadoo dad badan saadaalinayaan in aanay noqon doonin mid ka farxisa labada dhinac, sida Xukuumadda oo arrinta mas’uuliyadeeda qaadatay iyo dhinacyadii ka soo horjeeday dhiibistii Qalbi Dhagax ee ku tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah.

Kiiskan oo muddo soo jiitamayay, dhowr jeer oo horena Guddiga waqti kordhin loo sameeyay si uu warbixin u horkeeno ayaa waxaa la ogeyn halka ay ku biyo shuban doonto iyo mas’uuliyadda cida la saari doono oo kama dambeys laga yaabo in lala xisaabtamo.

Guddiga loo saaray kiiskan oo gaaraya 15 Xildhibaan ayaa horay kulamo la soo yeeshay dhinacyada ay quseysay kiiska sida laamaha ammaanka, waxaana warbixintooda la filayaa inay waafajiyaan qodobo ka mid ah dastuurka iyo dib u eegista qoraalo heshiisyo ahaa oo Xukuumadda u cuskatay dhiibistii Qalbi Dhagax.

Hadaba Qodobadan hoos ku xusan ayaa ku eegeynaa waxyaabaha ay tahay in laga fiiriyo warbixinta Guddiga soo bandhigi dono

1- Dhiibistii Qalbi Dhagax sharci miyay aheyd ?

2- Yaa lahaa go’anka  kama dambeysta ee lagu dhiibay

3- Ma jiray heshiis is weydaarsi maxaabiis ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

4- Sidee Guddiga isu waafajin doonaa heshiisyadii dowladdii hore la gashay dowladda Itoobiya ee Xukuumadda u cuskatay dhiibista Qalbi Dhagax

5- ONLF Ma urur Argagixiso ayay Soomaaliya u aqoonsan tahay

Su’aalaha iyo jawaabaha ku wareegsan kiiska Qalbi Dhagax ayaa kama dambeys keeni karaan in dhiibistiisa ay aheyd sharci ama sharci darro, waxaana laga yaabaa in Baarlamaanka dhexdiisa ay ku kala qeybsamaan, isla markaana ka dhex bilowda xiisado siyaasadeed.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top