WARARKA SOOMAALI

Daawo:Taliyihii hore ee NISA Sanbalooshe oo dusha laga saaray Kiiskii Qalbi-Dhagax iyo Xildhibaano sheegay in aysan ku qancin-Video

Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa dusha loo saaray mas’uuliyadda dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo dhamaadkii bishii August ee sanadkan ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dowladda Itoobiya.

Warbixin ay soo saareen Guddigii loo xil saaray baaritaanka kiiska Qalbi Dhagax ayaa waxaa ku jirtay in Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ay arrintaas u maareeyeen si qaldan, oo aan lagala tashan Hey’addaha Garsoorka, isla markaana dhiibistiisa lagu saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugneyn oo la siiyay Madaxda qaranka.

HALJAN RIIX DAAWO VIDEO

Sida muuqata warbixinta Guddiga waxaa uu ka bari-yeelayay Madaxda dowladda inay wax ku ogaayeen arrintan, mas’uulna ka ahaayeen.

Guddiga ayaa sidoo kale baaritaanka kaddib u soo baxday baairis kadib, in caalamka uusan u aqoonsanayn ONLF, aysan aheyn urur Argagixiso ah, maadaama aaney ku jirin liiska Ururada argigixisada caalamiga ah.

Inkastoo warbixinta Guddiga ay ku soo aaday, iyadoo horay xilka looga qaaday Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe ayaa hadana jawaabta Guddiga ku filneyn kaliya in dusha loo saaro Mr Sanbaloolshe ee ay u baahan tahay in Xukuumadda ay jawaab waafi ah ka keento, maadaama Xildhibaanada golaha shacabka ay laaleen qaraarkii Xukuumadda ee 6-dii bishii September.

 

SOMALI NEWS

To Top