WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xiisad ka dhalatay Qaadka oo u dhaxaysa Dowladda Farmaajo iyo Hirshabeelle oo meel Xasaasi ah Mareysa-Video

Dowladda Soomaaliya ayaa dab kusii shiday xiisadda ka dhalatay qaadkii laga joojiyay magaaladda Jowhar ee xarunta maamulka Hiirshabelle.

Kabtan C/Waaxid Cumar Sh Axmed oo ah agaasimaha Hay’adda duulista iyo saadaasha hawadda ee dowladda Soomaaliya oo qoray warqadda qaadka looga joojiyay magaaladda Jowhar ayaa sheegay in amarkaas uu ka helay RW Xasan Cali Kheyre.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Warqada waxaa ay ku timid amarka dowladda, waxaana amarkaas soo saaray Wasiirka duulista iyo ra’isul wasaaraha”ayuu yiri agaasimaha oo la hadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho.

Agaasimaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay awood uleedahay iney diyaaradaha ka mamnuucdo gudaha Soomaaliya hadii ay buuxi waayaan sharuudaha.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top