WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Hirshabeelle oo Qoryaha isku gurtay iyo Dagaal hor leh-Video

Maamul goboleedka Hiirshabeelle ayaa mar kale si adag uga hadlay amarkii ay DFS qaadka uga joojisay magaaladda Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Diyaaradaha qaadka ayaa labo maalin kasoo dagayay magaaladda Jowhar kadib markii ay kasoo caroodeen garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu amray iney canshuuraad dheeraad ah bixiyaan.

Laakiin Warqad kasoo baxday DFS ayaa lagu amray in qaadkaas uusan kasoo dagi karin magaaladda Jowhar taas oo wal wal ku abuurtay maamulka Hiirshabelle.

Maamulkan ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay ku qaldan tahay iney amarkaas bixiso maadaama deegaan walba uu xaq uleeyahay inuu si iskiis ah umaamulo dhaqaalihiisa gudaha.

“Arintan waa dagaal toos ah oo ay dowladda la gashay maamulka Hiirsashabeelle”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawadda ee maamulkaas oo la hadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa sheegay inuu ka xun yahay in dowladda dhexe aysan awood ulaheyn iney joojiso ama ay fara gashato arimaha ganacsi ee maamuladda kale laakiin arintan ay gaar utahay Hiirshabelle.

“Maxaa wax looga dhihi waayay waxa ka socda Baydhabo, Boosaaso ama meelaha kale” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in xariirka dowladda ay ka fiirsanayaan

SOMALI NEWS

To Top